Denbiga oo Aduunka so Galay

 

Adaan iyo Xawa waxay si farxad ku jirta ugu noolayeen beer uu Illaah u sameeyey iyaga, Midkoodna maryo ma uusan qabin, laakiin iyaagu ma aysan dareemeyn qaaw naantooda, wayo ma jirin wax danbiya oo aduunka dhexdeeda ahaay. Markaste iyagu Illaah ayeey la sheekaysan jireen si toosa waxayna dhex socon jirinee beerta.

 

Laakiin beerta waxaa dhex joogay abeeso xun. Waxay abeesadii ku tiri Xaawooy “ Runtii miyu Illaah kugu yiri, ha cunin miraha geedaha ku yaala beerta dhexdeeda?”

Markaas ayeey u jawabtay, oo waxay tiri “ Illaah wuxuu noo sheegay inaan cunno dhirta beerta ku talaa oo dhan, marka laga reebo geedka aqoonta ficaan iyo xumaha oo ah (Geedka danbiga). Wuxuuna Illaah nagu dhahay,” Hadii aad cuntaan ama aad taabatan isaga, waad dhiman doontaan.’”

Abeesadi ayaa u jawabtay ku tiri, “ Arinkaasi run maha. Mana dhiman doontid, Illaah wuu ogyahay markaad cuntaan mirahaas inaad isaga awoodisa oo kale aad yeelan doontan, kadibna aad fahmi doontaan xumaha iyo wanaaga sidiisa oo kale.”

 

Xaawo ayaa aragatay in mirahaasi ay aad u qurux badan yihiin unaa muuqdaan qaar aad u macaan. Waxay kaloo rabtay inay noqoto mid kala fahanta xumaha iyo wanaaga, waxay so guratay mirihii oo aay cuntay, kadibna waxay qayb ka siisay ninkeedi Adaan oo la socoday, isna mirihii ayuu cunay.

Islaa markii aay cuneen idhahoodi ayaa furmay, oo waxay ogaadeen inay qawan yihiin. Waxay isku dayeen inay jirkooda astuuran oo aay caleenta geedka toshaan kana sameysataan dhar.

 

Aadan iyo Xaawo waxay maqleen shanqartii Illaah oo ay ka dhex maqleen beerta dhaxdeeda. Kadib labadoodiba way is qariyeen. Illaah ayaa la hadlay Aadan kuna yiri, “ xageed joogta?” Aadan ayaa u jawabay Illaah oo ku yiri, “ Waxaa maqlay adigoo beerta dhex socda, kadib waan cabsaday maxaa yeelay waan qaawanaa, oo waan iska kaa qarinaayay.”

 

Kadib Illaah ayaa ku yiri, “ Yaa ku sheegay inaad qaawantahay? Ma waxaad cuntay mirihii aan kugu iri ha cunin?” Aadan ayaa ku jaawab celiyeey Ilaah oo ku yiri, “ Gabadhan oo adiga isiiday, ayaa miraha isiisay.” Kadib Illaah ayaa gabadhii la hadlay kuna yiri, “ Maxaad sameysay?” Gabadhii ayaa u jawabtay Illaah waxayna ku tiri, “ Abeesadii ayaa i qiyaantay.”

 

Illaah ayaa abeesadi ku yiri, “ Waan ku habaray! boggaaga ayaad ku socon doonta, wasaqdana waad cuni doontaa. Adiga iyo gabadha waad is nicii doontaan, ciyaalkiinuna way isnici doonaan sido kale. Naagta faraceeda ayaa madax ka burburin doono, Adiguna ciribtiisaad burburin doontaa.”

Illaah wuxu ku yiri gabadadhi. “ Markaad dhalayso ciyaalka ayaan xanuun kaga dhigi doonaa. inuu ninkaga ku xukumo oo uu kuu taliyo ayaan kaa dhigi doonaa.”

Illaah wuxuu ninkii ku yiri, “ Warka naagtaada ayaad dhageesatay, anigana waad i adeeci weyday. Hada dhulka waan in kaaray, aad aayad ugu baahnaan doontaa inaad dhulka uga shaqaysato oo aad cunto kala so baxdo. Kadibna waad dhiman doonta oo jirkaaga dhulka ayuu ku laaban doona.”

Kadib ninki wuxu u bixyeey naagtiisi Xawa oo macneehedu yahay “ nolol bixisio,” waayo waxay noqon doonta hooyada dadka oo dhan, kadib Illaah dhar ayuu u galiyeey uu uga sameeyey maqaarka xoolaha.

 

Illaah wuxu ku yiri, “ Iminka laga bilaabo bini aadanku waxay noqdeen innagoo kale, waayo waxay kala garanayaan xumaha iyo wanaaga, waa in aan loo ogolaan inay cunaan geedaha noolosha ee lagu noolaado waligeed.” Kadib Ilaah beertii wuu ka soo saaray Aadan iyo Xaawo.

Illaah wuxu dhigay beerta malaa’iigo aad u quwad badan si aan beerta loosoo gelin loona cunin geedka noolosha aan dhimashada lahayn.

 

 

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii Cutubka 3

 

 

 

Solverwp- WordPress Theme and Plugin