About Us

Ku soo dhawoow Waji Cusub, meel dadka kala duwan, oo ay ku jiraan walaalaha muslimka ah, si diiran loogu soo dhaweeyo si ay u helaan fariinta Ciise Masiix

Himiladayada

Haddaanu nahay Waji Cusub, himiladeennu waa inaan jacayl iyo naxariis kugula wadaagno farriinta Injiilka, Waxaan aamin sannahay in jacaylka Masiixu uu awood u leeyahay inuu dhaafo xuduudaha oo uu dadka isugu keeno hal meel iyagoon isku eegeyn qabiil iwm.

Aragtideena

Waxaan u aragnaa Waji Cusub inay noqoto buundo dadka Somaaliyeed u maraan rumeesadka Ciise Masiix, rumeesadayaashana u noqoto meel ay ka bartaan Kitaabka, noloasha Ciise Masiix iyo sidii ay ereyga ula sii wadaagi lahayeen kuwa aan wali Injiilka rumeeysan.

Waxa aanu bixino

Barashada Masiixiyadda: Wax ka baro mabaadi’da muhiimka ah ee Masiixiyadda, baadh nolosha iyo waxbarista Ciise Masiix, oo hel jawaabaha su’aalaha caadiga ah ee ku saabsan caqiidada Masiixiga.

Qisooyinka Kitaabka: Wax ka baro taariiqyada nabiyadii hore iyo sidii dadkii hore u dhaqmi jireen. 

Wadahadalka diimaha: Ka qaybgal wadahadalo ixtiraam leh oo macno leh oo ku saabsan caqiidada, ruuxa, iyo waxa na kulmiya innaga.

Markhaatiyaal iyo Sheekooyin: Ka maqal shakhsiyaad rajo, bogsiin, iyo ujeedo cad ka helay rumeesad koodii Ciise Masiix.

Qiimahayada

Jacayl iyo Naxariis: Waxaan aaminsanahay inaan muujino jacaylka Masiixa iyada oo loo maraayo ereyadayada iyo ficiladayada, muujinta naxariis, dareen, iyo fahamka dhammaan kuwa soo booqda boggayaga ama baraheena kale.

Ixtiraam iyo Karaamada: Waxaan ixtiraamnaa karaamada iyo qiimaha shaqsi kasta, inagoo aqoonsan qiimaha iyo quruxda ku duugan kala duwamaamshaha uunka Ilaahay.

Xaqiiqda iyo Daacadnimada: Waxaan ku dadaalnaa inaan si hufan oo dhab ah u wada xiriirno, la wadaagno caqiidadayada iyo waaya aragnimadeena is-hoosaysiin iyo daacadnimo.

Ka qaybqaado

Nagu soo biir  oo noqo qayb ka mid ah bulshada doonaysa inay dhisto buundooyinka saaxiibtinimada iyo isfahamka Masiixiyiinta iyo Muslimiinta. Haddi aad baadhayso Masiixiyada markii ugu horaysay ama aad raadinayso in aad sii xoojiso barashada Masiixiyada, waa lagugu soo dhawaynayaa halkan.

Waad ku mahadsan tahay booqashadaada Waji Cusub. Hel nabad, farxad, iyo rajo markaad qalbi furan iyo maskax ku baadhayso fariinta Ciise Masiix.

Hadii aad jeceshahay inaa wax badan naga sii ogaato

Solverwp- WordPress Theme and Plugin