Abuuritaanki Ugu Horeeyey
Sidan ayuu ILAAH wax kasto u sameeyay bilowgii
Illaah wuxu aduunka oo dhan iyo waxa dul joogay ku abuuray lix cisho gudeheed.
Marku Illaah abuuray dhulka, wuu madooba wuuna marnaa, waxna ma dhex oolin Laakin ruuxda Illaah waxay dul joogtay biyah korkeeda.
Kadibna Illaah ayaa hadlay oo yiri, “ Ha ahato iftiin!” kadib iftiin ayeey ahatay. Illaah ayaa arkay iftiinki yirina “ Waa maalin” Madawgii ayuu ka dhexsaray maalinti yiraahdayna waa “ habeen.” Illaah wuxu sameyay iftiinka maalinti ugu horeysay.
Maalintii labaad ee abuurida: Ilaah ayaa yiri, “Ha ahaato meel banaan biyaha dhexdooda” kadib way ahaatay. Meeshii baaneyd Illaah wuxuu ka saraysiyeey dhulka wuxuna yiri waa samada.
Maliintii saddexaad, Illaah wuxuu yiri “Biyaha hal meel ha isugu tagaan, ciida engeganna ha soo muuqato, biyahiina wuxuu u baxshay bad, ciida engaganna wuxuu u baxshay dhul.
Kadib, Illaah wuxu yiri, “ dhulku haa soo saaro dhir kala duwan iyo miro.” sidaas ayeey noqotay.
Illaah wuxu arkay in aay abuuristisu wanaagsan tahay.
Maalinti afraad: Illaah wuxuu yiri ” iftiin ha ahaato samada dhexdeeda, Waxa soo muuqday qoraxda, bisha iyo xidigo fara badan oo samada ku daadsan. Ilaah wuxuu u abuuray si ay iftiin u siiyaan dhulka. Iyo iney u ahaadaan calaamooyin, xilliyo, maalmo iyo sanado.
Illaah wuxu arkay in aay abuuristisu wanaagsan tahay.
Maalinti shanaad: Ilaah wuxu ummaay shimbiro ku duulaya cirka iyo malaay ku dabalanya biyaha. Dhamaan wey kala duwanaayeen qaab ahan iyo midab ahanba.
Illaah wuxu arkay in ay abuuristiisu wanaagsan tahay. Wuuna barakeeyay.
Maalinti lixaad: Illaah wuxuu abuuray Xayawaanaadka duurjoogta, xayawaanaadka gurgurta, iyo xayawaanaadka kale oo dhan.
Illaah wuxu arkay in aay abuuristisu wanaagsan tahay.
Kadib, Illaah wuxuu yiri, “ Aynu sameeyn bini aadam, oo aynu ka sameyno muuqeenna. Waxay noqon doonan kuwo xukuma dhulka iyo xayaawanka oo dhan.”
Markaasu Illaah dhoobada ka sameyey nin, kuna afuufay neeftisa. Kadib ninkii wuxuu u bixiyay Aadam. Illaah wuxu abuuray beer uu ku noolado Aadam, si uu isna beerta u xanaaneyo.
Beerta dhaxdeeda, Illaah wuxu ku abuuray laba geed- geedka nolosha iyo geedka aqoonta, wanaaga iyo xumaanta, dembiga iyo dhimashada. Wuxuna u sheegay inuu dhamaan dhirta oo dhan cuni karo laga reebo geedka dhimashada. Hadii u cunana uu ku dhiman doono.
Kadib, Illaah wuxu yiri, “ Ma fiicno inuu ninku kaligii noolado.” waayo xayaawanka oo dhan mid qura Aadam ma cawinayaan.
Illaah wuxuu Aadam ku riday hurdo wuuna seexday. Intaa kadib feertiisii ayuu ka abuuray naag una keenay iyadii isaga.
Aadam, marku arkay iyaadii ayuu yiri, “ugu danbeynti! tani waa mid aniga ii eeg! kadib wuxu ugu yeeray iyada ‘ Naag,’ waayo waxa laga sameeyey nin.” sidaa darteed ayuu ninka uga taagaa hoyadiis iyo aabihiis si uu naagtisa ula noolado waxayna noqdaan mid.
Illaah wuxuu ka abuuray nin iyo naagba aragtidiisa. Wuuna barakeyey kuna yiri, “ dhala caruur badan oo dhulkana buuxiya!”
Illaah wuxu arkay in wax kasto uu sameeyay ay aad u wanaagsan yihiin, Aadna wuu ugu farxay dhaaman. Tanina waxay dhacday maliintii lixaad ee abuurka.
Markay maalintii todobaad timid: Illaah wuxu dhamaystiray shaqadisii abuurka. Wuuna ka nastay wixii uu abuuray oo dhan. Wuxuna kadhigay malinta todobaad malin barkaysan oo quduus ah, maxaa yeelay wuxuu joojiyay shaqadi abuurka.
Waana sidaas, sida uu Illaah u abuuray aduunka oo dhan iyo wax dhex yaala.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii Cutubada 1-2