Roobki Lagu haligay Qoomkii Nebi Nuux


Waqati dheer kadib, dad badan ayaa yimid aduunka oo ku noolaa. Waxay noqdeen qaar danbi badan oo daagalama. Aad ayeey u xumayed in Illaah ka xumaado waxay dadkii sameynayeen, kadibna wuxu go’aansaday inu biyo ku baabiyo aduunka oo dhan.


Laakin Nabi Nuux, Illaah ayaa u naxariistay waayo wuxu aha nin xaq ah, oo bilaa danbiya, kuna dhex noolaa dad aad u xun oo danbi badan. Illaahey, wuxuu Nabi Nuux usii sheegay inu qorshaynaayo inu biyo ku baabin doono dadkiisa. Wuxuna Illaah ku amray inu Nabi Nuux sameeyo doon aad u weyn.

Illaah wuxu Nabi Nuux ku yiri, waxaad sameysaa doon dhirirkeedu dhan yahay 300 oo dhudhun, ballaceeduna yahay 50 dhudhun, sara joogeeduna yahay 30 dhudhun. Waxaadna ka sameyneysaa qoryo, taasi oo uu nabi nuux ka sameeyey saddex dabaq, oo qolol fara badan iyo daaqado leh. Doonta, waxaa la rabay in Nabi Nuux iyo qoyskiisa qaar ka mid ah iyo inta xayaawan ee lagu ammray Nabi Nuux in lagu badbaadsho.


Nabi Nuux, wuu adeecay Ilaahey, Isaga iyo saddexdiisii wiil, way sameeyen doontii, oo sidii uu Illaah u faray ayeey u suubiyeen. Sanado badan ayey hawshii doon sameeynta ku dhex jireen, maxaa yeelay doontu aad ayeey u weyneyd. Nabi Nuux dadkii aad ayuu ugu digay in biyo lagu halaagi doono. Wuxuuna ku dhiira geliyeey inay xaga Illaah u laabtan, oo aay cabuudan isaga, lakiin way rumaysan waayeen fariintisii wanagsaneyd.


Illaah wuxu ku amray Nabi Nuux iyo qoyskisii inaay raashin ku filan iyaga iyo xayawaanada diyaar sadaan. Markii ay wax kasto diyaar noqdeen ayaa Illaah ku yiri Nabi Nuux, waa wakhatigii adiga iyo saddexdaa wiil iyo xasaskoodu aay gali lahaayeen doonta. waxayna ahayeen sideed qof.

Illaah wuxu nabi nuux usoo diray, xayawaan kasto oo lab iyo dhadig ah iyo shimbiro si ay u fuulaan doonta Nabi Nuux, oo ay uga badbaadaan biyaha daadka. Illaah wuxuu so diray todobo lab iyo dhadig ah oo xayawaan kasta ka kooban kuwa alla bariga, kuwaasi oo loo isticimali doono xiliga Rabbiga la cabuudi doono. Markay dhamaan doontii fuleen ayaa Rabibiga xiray albaabkii doonta.


Kadib, roob ayaa bilaabmay, roobkii ayaa kala joogsan waayay. Roobka, wuxu socday afartan maalin iyo afartan habeen isaga oo aan kala joogsi lahayn! Roobkii ayaa dhulka oo dhan qabsaday. Xitta roobkii biyihiisu waxay qariyeen dhulka oo dhan oo xitta waxay qariyeen buurihii dhadheera oo dhan.

Wax kasto oo dhulka ku noolaay way dhinteen, oo kaliya waxaa badbaaday dadkii iyo xayawaanadii ku jiray doonta.


Markii roobkii joogsaday, doontii shan bilood ayeey dul socotay biyaha, kadib maalin ayaa doontii buur dul istagtay. Laakiin wali biyo fara badan ayuu lahaa dhulka, oo dhulka dhan biyo ayaa heestay. Saddex bilood oo kale markay dhamaatay ayeey buurihii so muuqdeen.

Markay afartan cisho oo kale dhamaatay, ayaa Nabi nuux u diray shimbir banaanka, si ay usoo fiiriso dhulka in wali biyo leeyahay. markey shimbirtii aadey banaanka way kasoo laabtay, wayo ma jirin meel aay ku istagto oo engegen.


Hal isbuuc kadib, Nabi Nuux shimbirtii ayuu mar labaad diray. Waxayna lasoo noqotay, caleen ay afkeed kuso qaaday. Biyuhu way ka hoos mareen dhirta xiligaan, oo geedihiina way so bexeen.


Markii saddexaad, Nabi Nuux wuxuu u diriy shimbirti inay soo fiiriso dhulka, Markaan, shimbirtii masoo laaban. Markaasuu nabi Nuux ogaday, inu dhulkii engegey.

Illaah wuxuu laba bilood kadib la hadlay Nabi Nuux, oo wuxuu ku yiri, adiga iyo qoyskaaga iyo xayawaanada, ka so baxa doonta. waxaad heli doontaa caruur badan, farcankaagana dhulka ayuu buuxin doonaa. Kadib, Nabi Nuux iyo reerkisa way ka soo bexeen doontii.

Markii uu Nabi Nuux doontii ka soo baxay, wuxu sameeyey meel uu Illaah ku caabudo laguna wanqalo. Illaah aad ayuu uga raali noqday arintaas uu Nabi Nuux iyo reerkisuba sameeyeen.


Illaah wuxu yiri, “ mar kale dib u bur burin maayo dunida, inkastoo bini’aadanku anaay joojineyn iney dambaaban, xitta markay da’ doodu yar tahay.

Illaah wuxuu so sawiray qaanso-roobaad. Wuxuu Nabi Nuux u sheegay una balan qaaday, inay qaanso-roobaadku tahay calamad, inaanu mar danbe burburin doonin adduunka isagoo ku salidaaya biyo daad ah.



Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: BILOWGII 6-8

Solverwp- WordPress Theme and Plugin