Axdigii Ilaahay La Galay Nebi Ibrahim
Sannado badan kadib, markii roobki baabi iyey qoomki Nabi Nuux, dad badan ayaa dhashay oo yimid dunida dusheeda, oo dhamaan hal luuqad ku wada hadlayo. laakin nasiib xumo, sidoo kale dadkaan waxay ku noolaayen dambi, oo waxay sameyn jireen dunuub badan.
Dadku aad ayeey iskula qab weynayeen oo kibir ayaa ku jiray, mana aysan adeeci jiri Ilaahey, Xitta kibir dartiis ayeey waxay dhiseen meel aad u dheer, si ay janaada u gaaraan.. Illaah wuxu arkay, in hadii dadkani aay sii wada shaqeeyan inay danbi fara badan sii wadi doonan.
Illaah, wuxu badeley luqadoodii, oo wuxuu ka kala dhigay luuqado fara badan, wuxuuna ku kala qeybiyay aduunka oo dhan. Magaladii ay ka dhiseen meesha aadka u dheer waxa la odhan jiray Baabeel oo macaneehedu ahaa ( dawaq ama wareer ).
Boqolaal sanno kadib, Illaah wuxu la hadlay nin lagu magacabi jiray Aabram. Illaah wuxu ku yidhi, “ Ka tag wadankaaga iyo reerkina oo tag dhulka aan ku tusi doono. Waan ku barakeyn doonaa oo waan badin doona faracaaga. Magacaagana, sare ayaan u qaadi doonaa. Waan barakeyn doonaa kuwa ku barakeya, waana habaari doona kuwa ku habaara. Dadka dunida oo dhan waan barakeyn doona adiga daraadaa.
Kadib, Aabram, wuu adeecay hadalkii Illaahey. Wuxu kaxaystay xaaskiisii saara, shaqalihisii iyo wixii uu lahaa oo dhan wuxuuna tagey dhulkii Kanaan ee Illaah uu tusay isaga.
Markii Aabram u dhulkii Kanaan yimid, ayaa Illaah ku yiri, “ fiiri hareerahaga oo dhan. Waxaan ku siin doona dhulkaan aad aragta oo dhan, Adiga iyo faracaagaba wey dhaxli doonaan.” Kadib Aabram wuu degay dhulkii Illaah u balan qaaday.
Maalin, ayaa Aabram la kulmay Melekasiida, oo aah wadaad aad u sareeya. Melekasiida ayaa u duceeyey Ibraahim kuna yiri, “ Illaah oo ah kan aadka u sareeya ee leh cirka iya dhulka ha ku barakeyo.” Kadib Aabram wuxu siiyeey wadaadkii , boqolkiba tobon wixi uu haystay oo sadaqa ahaan ah.
Markay sannado badan ka so wareegatay, wali Aabram iyo xaskisii saara, wiil iskumay dhalin. Illaah ayaa la hadlay Aabram oo u balan qaaday inuu siin doono wiil iyo farac oo sida xidigaha cirka oo kale u badan. Aabram wuu rumaystay balan qaadkii Illaah. Illaahna, wuxuu ogaaday inu Aabram yahay nin xaq ah, oo rumaystay balan qaadkii Illaah u balan qaaday.
Kadib Illaah wuxu axdi la galay Aabram. Caadiyan Axadigu waa heshiis ka dhexeya laba dhinac, oo midba midka kale wax u sameenayo. Laakin tanu waxay ahayd balan qaad uu ilaah la galay Aabram. Illaah wuxu ku yiri, “ Waxaan ku siin doona wiil ka so go’a jirkaaga. Waxaana siin doona dhulka kanaan, dadka faracagaa.” Lakiin wali Aabram ma uusan haysan wiil.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii Cutubada 11-15