Wiilkii balan qaadka


Toban sano kadib, markii Aabram iyo Saara ay yimaadeen Kanaan, walina aysan u joogin wax caruur ah, ayaa xaaskii Aabram ee Saara, ku tiri isaga, “ In kasto Ilaah aanu ii ogolanin inan helo ilmo, hadana aan aad u weynahay, waa tan Hegar oo ah gabar ii adeegta oo shaqaale ah. Gurso iyada, si ay ciyaal kuugu dhasho.”


Kadib Aabram wuu guursaday Hegar. Hegarna waxay dhashay wiil, wiilkiina wuxu Aabram u bixiyey Ismaciil. Lakiin markay Saara aragtay inay Hegar dhashay wiil, aad ayeey uga maseertay Xagar. Marku Ismaciil gaadhay da’da saddex iyo toban jir, ayuu Ilaah la hadlay Aabram kuna yiri,

“ Anigu waxan ahay Ilaaha xaq lagu cabudo. Waxaan adiga Aabram ah kula galay ballan.” Kadib Aabram wejiga ayuu dhulka dhigay . Ilaah, wuxu ku yiri mar labaad, “ Waxad noqon doontaa aabaha umado fara badan. Waxaana adiga iyo faracaga siin doona dhulka Kanaan, aniguna waxaan waligay ahaan doona Ilaahadoo. Waana inaad gudaa ama xalalaysa wiil kaste oo ka dhasha qoyskagaa.”


Ilaah wuxu ku yiri Aabram , “ Xaaskaaga Saara, waxay dhali doontaa wiil- wuxuuna wiilkaasu noqon doonaa kii aan kuu balan qaaday. Waxadna magaciisa u bixisa Isaaq. Oo Axdigayguna isaga ayuu la socon doona , wuxuuna noqon doona umad aad u ficaan oo sareyso.” Sidoo kale, Ismaciil waxan ka dhigi doonaa umad aad u fiican waana tarmin doonaa. Laakiin axdigeygu wuxuu la jiri doonaa isaaq

Kadib, Ilaah magacii Aabramna wuxu ugu badaley Ibraahim, oo macnaheedu yahay “Aabaha faraca badan” sidoo kale Ilaah wuxuu u badalay magaceedi Saara kuna magacabay Saarah oo macneehedu yahay “ Boqorad.”


Maalinta kadib, Ibraahim wuxu bilaabay inuu gudo ama xalaaleeyo wixi rag ah ee gurigiisa joogay. Sanad kadibna, markii Ibraahim noqday 100 sanno jir, Saarahna tahay 90 jir, ayeey dhashay wiilki Ilaah u balan qaaday. Waxayna u bixiyeen Isaaq, siduu Ilaah ugu amray inay u baxshaan.

Markii Isaaq ahaa wiil yar, Ilaah ayaa wuxuu tijabiyeey imaankii Ibraahim kuna yiri, “ wiilkaga Isaaq kaxee oo so goowrac, wanqal ahan Xagayga.” Ibraahim wuu adeecay Ilaah, wuxuuna isku diyariyeey inu wanqalo wiilkiisa.


Markii Ibraahim iyo Isaaq aadeen meeshi lagu wanqalayey ayuu isaaq waydiyey aabihiis, oo ku yiri “ Aabo, waynu helnay xaabadi wax lagu shidaayaye aaway neefki la qalaayey? Ibraahim wuxu ugu jawabay, “ Ilaah ayaa keenayo neefka lagu wanqalaayo,

Markay gaareen meeshi wanqalka , ayaa Ibraahim wuxuu indhaha ka xiray wiilkisii Isaaq, kadibna dul jiifiyeey meeshi lagu wanqali lahaa. markuu mindidii kor u qaaday oo uu rabay inu wiilkisa gowraco, ayaa Ilaah ku yiri ,” jooji! Oo wax ha ku sameynin wiilka! Hada waxaan ogaaday inaad aniga iga cabsato, oo wiilka kaliya ee aad qabto aadan iga raacin waayo amarkayga ayaad maqashay.


Ibraahim, meel u dhow ayuu ka arkay wan ku xayiran meel kayn ah. Ilaah ayaa u so dejiyeey wanka inu gawraco halka uu ka gawrici lahaa wiilkiisa Isaaq. Ibraahim si faraxadi ku jirto ayuu u wanqalay neefkii.


Kadib, Ilaah wuxu ku yiri Ibraahim, “ Waayo wax kaste aniga ayaad i sinaaysaa, xitta wiilkaaga, waxaan kuu balan qaaday nimco, Faracaagu waxay ka badnaan doonaan xidigaha cirka. Maxa yeelay wad i adeecday, dadka aduunka oo dhan waxaa lagu barakeyn doona qoyskaga daraadiis.



Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii Cutubada16-22

Solverwp- WordPress Theme and Plugin