Ilaahay Waxa uu Ibrahim Siiyey Isaaq


Marku Ibraahim gaboobay, wiilkiisii Isaaqna uu noqoday nin weyn, Wuxu Ibraahim diray mid ka mida shaqalihisii, oo uu u diray wadankii uu ka yimid ee qaraabadiisu ku noolayd, si uu gabar ugu so helo wiilkisa Isaaq.


Waqti dheer oo safar ah ka dib, Markuu shaqaalihii tagay dhulkii ay ku noolaayeen qaraabadii Ibraahim, ayaa Ilaah ku hagajiyey ninkii Shaqaalaha ahaa, gabar la yiraa Rebekah, oo aheyd gabar uu awoowe u yahay Ibraahim walalkiis.


Rebekah waxay ogolatay inay ka tagto reerkoda oo ay raacdo shaqalihii Ibraahim so diray. isla markii ay timaadayba, Isaaq wuu guursaday iyadii.

Wakhti badan kadib, Ibraahim wuu dhintay. balantii uu Ilaah la galay Ibraahim ee axdigii, wuxu ku warejiyeey Isaaq. Ilaah wuxu Isaaq ugu balan qaaday inu heli doono ubad fara badan oo aan la tiring Karin, laakin xaskiisi Rebekah wax ubad ah ma dhalin.


Isaaq wuxu u duceeyey Rebekah. kadib Ilaah ayaa ka maqlay ducaadisii oo uur mataana ah ayeey yeelatay. Intii ay carruurta uurka hooyadood ku jireen, aad ayeey isugu dhib qabeen, kadib Rebekah ayaa Ilaah weydisay, waxa ciyaalkeeda uurka ku jira ka dhex socda.

Ilaah wuxuu u sheegay Rebekah, iney dhali doonto labo wiil, waxayna kala noqon doonaan labo qabiil, midkood midka kale wuu ku dhibtoon doonaa laakiin kan weyn wuxuu u adeegi doonaa kan yar.


Markii ay Rebekah dhashay, wiilkii ugu horeyeey wuxu noqday mid timo guduudan oo timo fara badan leh, waxayna u bixiyeen Ceesow. Ka hor inti aanay dhalan ilmaha mataanka labaad, wuxuu cagta haystay Ceesow waxana loo bixiyeey Yacquub.



Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii Cutubada 24:1-25:26

Solverwp- WordPress Theme and Plugin