ILAAH WUXUU BARAKEEYAY YACQUUB
Markay wiilashi waa weynadeen, Rebekah waxay jeclayd wiilkeeda yacquub, lakiin Isaaq wuxu jeclaa wiilkiisa weyn ee Ceesow. Yacquub wuxu jeclaa inuu guriga joogo markasto, laakin Ceesow wuxu jeclaa inuu ugaadhsi tago.
Malin ayuu Ceesow yimid guriga, isaago gaajoonaya oo kaso daaley ugaarsigii, wuxuuna weydisatey yacquub, inuu wax ka siiyo raashinka uu karsaday. lkn Yacquub wuxuu ugu jawaabay, “ Ii balan qaad inaad iga iibsaneyso curadnimadaada, oo wax kasta oo aad ku hesho curadnimada oo ah dhaxalka aad aniga isiineyso” Kadib Ceesow wuxu ku yiri, “ Maxay tahay dhaxal qaadashada aad ka hadleyso? geeri baan ku dhowahay gaajo awgeed.” kadib Ceesow wuu ka ogolaaday. Yacquubna markii lagu wareejiyay curadnimadii ayuu raashinkii siiyay.
Isaaq, wuxu rabay inuu barakadiisa siiyo Ceesow. Lakiin inta una siinin, ayaa Rebekah iyo Yacquub khiyameeyey isaga , Yacquub ayaa iska soo dhigay Ceesow. Oo soo xirtay dharkii Ceesow iyo maqaar duf leh, uu iska saaray luqunta iyo gacmaha, maadama ceesow uu ahaa qof timo badan. Isaaqna, wuxuu ahaa qof waayeel ah oo waxba ka arkayn indhaha.
Yacquub ayaa u yimid aabihiis Isaaq kuna yiri, “ Waxan ahay Ceesow, waxan kuugu imid inaa ducadaada i siiso. “ Marku Isaaq taabtay haragii dufta lahaa uuna uriyey dharkiisii, wuxu u maleeyey inu yahay Ceesow, oo ducadii iyo barakadii ayuu siiyay. Ceesowna aad ayuu u nacay Yacquub, maxaa yeelay Yacquub wuxuu ka qaatay barakadi aabihiis, waayo isaga ayaa ka weynaa oo kaga xaqsanaa barakada, Kadib, wuxuu qorshaystay inu dilo Yacquub marku aabahood dhinto.
Lakiin Rebekah ayaa maqashay qorshaha uu Ceesow rabo inu ku dilo Yacquub. Kadib iyada iyo Isaaq waxay go aansadeen iney Yacquub u diraan qaraabadooda, si uu ula noolaado.
Yacquub wuxu la noola qaraabada hooyadiis, muddo aad u dheer, intuu halkaas ku noolaa, wuu guursaday, wuxuuna dhalay labo iyo toban wiil iyo gabdho. Ilaah wuxu ka dhigay isaga nin aad taajir u ah.
Marku Yacquub ka maqna wadankiisa Kanaan mudo labatan sanno ah, ayuu ku so laabtay gurigoodii, isagoo wata qoyskiisii, shaqalihisii iyo dhamaan xoolihiisi oo dhan.
Yacquub, aad ayuu u cabsanaayay marku dhaxda ku so jiray safarkiisi , oo wuxu moodayay in wali Ceesow rabo inu dilo isaga. Markaas ayuu Ceesow siiyeey xoolo fara badan si hadiyad ahaan ah. Shaqalihii Yacquub ayaa markay xoolaha u keenen ku yiri Ceesow, “ Xoolaha waa hadiyad ka timid adeegaha Yacquub. Mar dhawna wuu imanayaa.”
Lakiin Ceesow, wuu cafiyey walaalkiis yacquub, oo markuu yimidna si farxadi ku jirto ayeey u wada noolayeen, oo Yacquubna si nabadi ku jirto ayuu dhulki Kanaan ugu noola. Kadib, aabahod Isaaq wuu dhintay weyna wada dugeen meydkisii. Axdigii uu Ilaah ugu balan qaaday Ibraahim, kadibna Isaaq ,waxa barakadii helay Yacquub.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Cutubada 25:27-33:20