Ilaahay Wuxuu Badbaadiyey Yuusuf iyo Reerkiisii

 

Sanado badan kadib, marku Yacquub duqoobay oo uu noqday waayeel, wuxuu wiilkii uu jeclaa ee Yuusuf u diray inuu soo fiiriyo walaladiis oo meel fog xoolohoodi ku raacaya.

 

Yuusuf, walaaladi way necebayeen, waayo aabahood yacquub wuxuu aad ayuu u jecela yuusuf, oo xittaa waxaa kaloo jiray, in Yuusuf ku riyooday inu noqon doono hogamiyahooda. Marku Yuusuf arkay walaladiis oo xoolihii la jooga, wuu u tegay kadibna waay qafaasheen oo waxay ka iibiyeen niman dadka ka ganacasada.

Ka hor intii aanay Yuusuf walaladii ku so laban gurigoodii, intay neef ariya dileen ayeey dharkiisii ku shubeen dhiigii, kadibna maradoo dhiig leh ayeey tuseen aabahood Yacquub, si uu ugu maleeyo, in wiilkiisii uu jecelaa ee Yuusuf, xayawaan duur joog ah cunay. Yacquub, aad ayuu u murugooday.

 

Nimankii dadka ka ganacasan jiray, Yuusuf waxay u wateen dhankaa iyo Masar. Masar waxay aheyd wadan aad u balaran, oo aad u quwad weyn Nimankii dadka ka ganacasan jiray waxay Yuusuf ka ibiyeen nin aad u taajir ah, kana tirsanaa sarakiisha Masaariidii wakhatiigas. Yuusuf si aad u wanagsan ayuu ugu adeegay ninka iibsaday, kadibna Ilaah wuu barakeyey Yuusuf.

 

Ninkii uu u adeegii jiray xaaskiisii, ayaa damacaday inuu Yuusuf la seexdo iyada, lakiin Yuusuf wuu diiday inuu xumaan sameeyo, oo uu dambaabo. Iyadiina, Aad ayeey uga carootay diidmada yuusuf.

Kadibna wey eedaysay si loo xiro oo xabsiga loogu tuuro, kadibna yuusuf, waa la xiray. Xitta isagoo xabsiga ku jira, wuxuu aha mid iimaan leh oo Ilaah ku caabuda xabsiga dhexdiis, kadibna Ilaah wuu barakeyey isaga.

 

Laba sanno kadib, Yuusuf xabsiga ayuu ku jiray wali, xitta isagoo bila dambiya. Habeen ayaa boqorkii Masar haystay ee lagu magacabi jiray Fircoon, wuxuu ku riyooday labo riyo oo aad u wareerisay naftiisa. Lakiin hal qof oo ka mid aha nimaanki la talin jirtay isaga, wey macneen waayeen, riyada Fircoon uu ku riyooday.

Ilaah wuxu awood u siyeey Yuusuf inu macneeyo ama turjumo riyooyinka, Fircoon wuxu dalbaday in Yuusuf xabsiga lagasoo saaro, loona keeno isaga, si uu ugu fasiro riyadiisa. Yuusuf wuxu turjumay riyooyinki Fircoon wuxuna ku yidhi sidan, “Ilaah wuxu keeni doona todoba sanno oo barwaaqo ah kadibna waxa iman doonta todoba sanno oo abaar ah.”

 

Fircoon aad ayuu ula dhacay warkii Yuusuf, taasina waxay yuusuf ka dhigtay inuu noqodo, ninka labaad ee ugu awooda badan Masar!

Yuusuf wuxu dadki u sheegay, inay todobada sanno ee barwaaqada jirto keydsadaan rashiin fara badan, kadib Yuusuf wuxu ka ii biyey rashiinkii uu keydiyay dadka markii la gaaray waqtigii abaarta.

 

Abaartu, aad ayeey u xumayd mana ahayen Masar oo kaliya, oo xitta dhulka kanaan oo ahayd meeshi uu Yacquub iyo reerkisu ku noolayeen abaarta way ka jirtay.

Yacquub, wuxu wiilashiisii u diray Masar, si aay rashiin uga so ibsadaan. Yuusuf walaladii may aqoonsan isaga, markii aay rashinka ka ibsanyeen ee ay hortaagnaayeen. Lakiin Yuusuf wuu aqoonsaday iyaga.

Marku Yuusuf tijabiyeey walaladii inay is badaleen iyo in kale, ayuu Yuusuf ku yidhi iyagii, “ anigu waxan ahay walalkiin, Yuusuf! Ha cabsanina. Idinku waxad sameysen wax xun, markad iga ibiseen nimankii ganacsadayaasha, lakiin Ilaah, wuxu xumaanta ku badala wanaag! Kalaya oo Masar soo daga, idinka iyo reerkinuba, si aan idiin cawiyo.

 

Markay ku laabteen dhulkoodi, waxay aabahood Yacquub usheegen, inu wali wiilkiisii Yuusuf nool yahay, Yacquubna aad ayuu ugu farxay.

In kasto Yacquub uu aad u weynaa, lakiin reerkisii iyo isaguba waxay u gureen Masar waxeyna ku nooladeen halkaas.

Ilaah axdigii uu u balan qaday Ibraahim wuxu siyeey Isaaq kadib Yacquub kadibna laba iyo tobankii wiil ee Yacquub iyo reerkodi ayuu siyeey. Laba iyo tobankii wiil ee Yacquub waxay noqdeen laba iyo tobanka qabiil ee Israa’iil.

 

 

 

Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Bilowgii Cutubada 37-50

 

 

 

 

Solverwp- WordPress Theme and Plugin