Ilaahay Waxa uu u Yeeray Muuse
Marku Yuusuf dhintay, dhamaan qarabadiisi waxay joogeen Masar. Qarabadii Yuusuf iyo wixi ay dhaleen oo dhan iyo caruurdoodi halkaas ayeey ku tarmeen. Waxana loogu yeedhi jiray Israa’iiliyiin.
Boqolal sanno kadib, Fircoon cusub ayaa qabsaday wadankii Masar. Masaaridiina way iloobeen wixii ficnaay ee Yuusuf u sameyn jiray iyaga iyo sida uu u cawin jiray markay abaarta timaado. Aad ayeey uga cabsadeen Israa’iiliyiinta, waayo way fara badnayeen oo aad ayey u tarmaayeen. Kadibna Masaaridii waxay ka dhigeen Israa’iiliyiinti kuwo adoomo u ah iyaga.
Masaradii aad ayeey u cadadiyeen Israa’iiliyinta, waxayna ku amreen inay dhisaan dhismooyin fara badan, iyo magaalooyin. Shaqadaas faraha badnayd waxay ku noqotay dhibaato, lakiin Ilaah wuu barakeyeey iyaga, oo waxay dhaleen caruur fara badan,
Fircoon, wuxuu arkay in Israa’iiliyintu aay dhalayan caruur fara badan, kadib wuxu amray in wiil kasta oo udhasha Israa’iiliyinta la dilo laguna tuuro webiga niil.
Gabadh ka tirsan Israa’iiliyinta ayaa dhashay wiil . Iyada iyo ninkeedii way qariyaan wiilka in alle intii ay karayeen.
Marku wiilkii gaaray xili aanay qari Karaynin, waxay wiilkii ku rideen dambiil, kadibna waxay ag dhigeen webiga niil qarkiisa ama dhinicisa. Walaashiisii ka weynayd ayaa meel fog ka ilaalinaysay, oo waxay rabtay iney ogaato waxa ku dhaca wiilkooda dambiisha lagu riday.
Gabdhii Fircoon dhalay ayaa webiga niil imaatay, kadibna waxay aragtay dambiil webiga dhinaciisa yaala, Markay aragtay inu ilmo ku dhex jiro way qaadatay, sida ilmaheeda oo kale. Waxayna soo kiraystay naag israa’iili ah, si ay wiilka naas u nuujiso. waxay soo kireesatay gabadhii wiilka dhashay, iyada oo aan ogeyn iney tahay gabadhii wiilka dhashay. Markuu wiilkii weynaday, hooyadii waxay wiilkii u celisay gabdha uu dhalay fircoon. Kadib gabadhii fircoon waxay wiilkii u bixisay Muuse.
Maalin maal maha kamida ah, markuu Muuse weynaday, wuxu arkay nin Masri ah oo garacayaa nin adoon ah oo reer binu Israa’ iila, kadib Muuse wuxu isku dayey inu badbaadiyo ninki Israa’iiliga ahaa.
Markuu Muuse arkay inan cid kale meesha joogin, ninkii Masriga ahaa ayuu dilay wuuna aasay. Laakin qof ayaa arkaayay marku Muuse dilaayay ninka.
Markuu Fircoon ogaaday waxa Muuse uu sameeyey, wuxuu damcay inu Muuse dilo, Muuse wuu ka baxasaday fircoon, oo wuxuu aaday meel ka baxasanayd Masar si aan ciidanka Fircoon usoo qabanin. Muuse wuxu noqday ari jire, Xaasna wuu guursday laba wiilna wuu dhalay.
Maalin maal maha ka mid ah, isagoo la joogo arigii ayuu arkay keyn gubanaysa. Laakin keyntu ma ololeynin, Muuse wuxu ku dhawaday keyntii si uu u fiiriyo. Marku ku dhawaday keyntii gubanaysay, ayuu maqlay codkii Ilaah oo leh, “ Muuse, iska bixi kabaha. Waxad ku taagan tahay dhul barakeeysan.”
Ilaah wuxu ku yiri, “ Waxan arkaa dadkayga sida ay u dhibaataysan yihiin. Waxaan kuu diri doona Fircoon si aad dadka reer Israa’iil uga so kaxayso gumaysiga Masar. Waxana siin doona dhulka Kancaan, dhulki aan u balan qaaday Ibrahim, Isaaq iyo Yacquub.”
Muuse ayaa Ilaah ugu Jawabay, “ Kawaran hadii aay dadku ii weydiyaan kan isoo diray , maxaan ugu jawaba? Ilaah ayaa ku yiri, “ Waxan ahay kaan hay. usheeg, “ waxan ahay kan kuso diray adiga, ‘ Ilaaha weyn ee keligi jira, Ilaaha abuuray halkad ka so faracanteen sida Ibrahim, Isaaq iyo Yacquub. Magacayguna waligiis wuu jiri doona.’”.
Muuse, ma rabin inu Fircoon u tago, waayo wuxu islahaa si fican ulama hadli Kartid Fircoon, kadib Ilaah wuxu Muuse u soo diray walalkii Haruun si uu u cawiyo isaga. Ilaah wuxu Muuse iyo Haruun usii sheegay in Fircoon u madax adkaan doono.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Baxniintii Cutubada 1-4