Tobankii Baalayoo ee Ilaahay Ku Saliday Fircoon
Muuse iyo Haruun waxay u tageen Fircoon. Waxayna ku dheheen, “Ilaaha reer binu Israa’iil wuxu leyhay, “ dadkeyga ha laga qaado gumeysiga hana la fasxo!’” Fircoon warkaas ma uusan ka dhagaysan, oo halkuu sii deyn laha Israa’iiliynta, wuxu kusii qasbay shaqo aadag oo ay ku dhibtoodaan.
Fircoon wuu diiday inu dadka Israa’iiliynta fasaxo, kadibna Ilaah wuxu ku so diray toban balaayo oo kala daran. Balaayooyinkaa dartood, Ilaah wuxu tusay Fircoon inuu isaga iyo asnaabta ay masaridu cabuudayso ka awood badan yahay.
Ilaah webiga niila wuxu ka dhigay dhiig socoda, lakiin wali Fircon kuma quus qaadan, mana uusan fasixin Israa’iiliyintii.
Ilaah wuxu ku soo diray Masar oo dhan rah. Kadib Fircoon wuxu baryay oo ka codsaday in Muuse uu raha ka kaxeeyo. Lakiin markay rahii oo dhan dhinteen, Fircoon qalbigiisa ayaa sii adkaaday oo wuxu diiday inuu Israa’iiliyinta fasaxo.
Ilaah wuxu u soo diray injir badan. Hadana wuxu u soo diray duqsi ama dirxi. Fircoon wuxu u yeeray Muuse iyo Haruun kuna yiri hadii aad joojisaan balaayooyinkan dadkiina waan fasaxayaa. Muuse ayaa duceeyey kadibna Ilaah wixii duqsi ahaa wuu ka kaxeeyey Masar, lakiin Fircoon qalbigiisa ayaa si adkaaday oo wuxu diiday inu Israa’iiliyinta fasaxo.
Markii ku xigtay Ilaah wuxu so diray xanuun dila dhamaan xoolaha ay lahayeen Masaaridu, laakiin Fircoon qalbigiisa ayaa si adkaaday oo wuxuu diiday inuu Israa’iiliyinta fasaxo.
Kadibna Ilaah ayaa ku amray Muuse, inuu cirka u tuuro danbas isagoo joogo Fircoon hortiisa. Marku sidaa sameeyey muuse, xanuun xun ayaa maqarka Masaarida ku dhacay, laakiin waxaba kuma dhicin Israa’iiliyintii la noolayd iyaga. Fircoon qalbigiisa ayaa si adkaaday oo wuxu diiday inuu Israa’iiliyinta fasaxo.
Inta kadib, Ilaah wuxu so diray baraf burburiyeey dhamaan beerihi Masaarida, dilaayana qofkasta oo bananka u so baxa. Fircoon ayaa u yeeray Muuse iyo Haruun kuna yiri, “ Waan danbaabay. Hada waan fasaxayaa dadkiina. “ Kadibna Muuse ayaa duceeyey, barafkiina wuu joogsaday.
Laakiin Fircoon wuu danbaabay mar labad qalbigiisana wuu sii adkaaday oo wuxu diiday inu Israa’iiliyinta fasaxo.
Kadib Ilaah wuxuu Masar oo dhan kuso diray ayax. Ayaxiina wuxu cunay dhamaan wixi miro ahaa ee aan barafku baabiin.
Kadib Ilaah wuxu so diray madow saddex maalmood socday. Waxay aheyd madow sababay in Masaaridu gurigooda ka bixi wayaan. Laakiin iftiin ayaa jiray meesha ay Israa’iiliyuntu ku noolayeen.
Xitta markii sagaal balaayo ay dhaceen, Fircoon wuu diiday inuu Israa’iiliynta fasaxo. Tan iyo markuu Fircoon diiday inuu dhagaysto Muuse, Ilaah wuxuu qorsheey inuu soo diro balaayadii tobnaad ee ugu danbeysay. Tanina waxay badali doontaa maskaxada Fircoon.
Qoralkani waxa uu ka yimid Kitaabka Quduuska: Baxniintii Cutubada 5-10